DEG DEG;-Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Xilka laga Qaaday iyo Xiisad ka taagan Dagmada Cadaado

ADS336

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday madaxweynaha Galmudug.

Xil ka qaadistan ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada baarlamaanka ay kulan ku yeesheen magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u codeeyay mooshinkii maalin ka hor laga gudbiyay C/kariin Xuseen Guuleed.

54 xildhibaan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa u codeeyay xil ka qaadista madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada ayaa sheegay in dhawaan ay dooranayaan hogaan cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug.

Guuleed ayaa shalay ka hadlay mooshinka laga gubdiyay wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada inay mooshinka ka laabtaan, balse ma aysan dhicin.

Xiisad ayaa ka taagan magaalada, waxaana aad loo hadal hayaa go’aanka xildhibaanada ay xilka ka qaadeen xildhibaanada galmudug madaxweynihii maamulkaasi oo mudooyinkanba ay socotay mowshin ka dhan ah xilkiisa.

Warbaahinta Alljubbalandnews.com
Xafiiska Wararka Magaalada Kismaayo
Email : Alljubbalandnews@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Deni-Jabril-640x375 Qaar Ka Mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo looga yeeray Itoobiya (Maxay tahay Sababtu?)
- Jan 14, 2017
Wararka laga helayo magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in laba ka ...
rr-3 Faahfaain Dheeraad ah oo ka Soo Baxaya NISA oo Weeraray Guri ku yaala Muqdisho oo lagu arkay..
- Jan 14, 2017
Sida Dad ku sugan Xaafada Soona key ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ay ...
NEWS-15 Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Dil qorsheysan oo goordhow ka dhacay Muqdisho
- Jan 13, 2017
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Ajabka shidaalka ...
xidig (Akhriso);-Xildhibaan C/rashiid Xidig oo Shir isugu yeeray Musharaxiinta Beesha Daarood
- Jan 13, 2017
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in Shirkaasi Ujeedkiisa uu yahay ka hadalka Doorashada ...
eu-flag-620x330 DEG DEG;-Midowga Yurub oo Soo Dhaweeyay Doorashadii Guddoonka Golaha shacabka Soomaliya
- Jan 13, 2017
Ururka Midowga yurub ayaa soo dhaweeyay sida ay u dhacday doorashadii Guddoonka Golaha shacabka ...