(Daawo Muuqaal): Trump ayaa aqbalay in Ruushka uu u dhacay doorashada Maraykanka

ADS336

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay warbixin ay soo saartay hayadaha sirdoonka in Ruushka uu u dhacay doorashada madaxweynenimada Maraykanka , ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Trump.

“Waxaan u malaynayaa inuu aqbalay, waxa lagu helay warbixinta ” ayuu madaxa shaqaala madaxtooyada ee xilka la wareegaysa, Reince Priebus.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha inay ka danbaysay u dhicida emailada xisbiga Dimoqoraadiga si wax loogu dhimo Hillary Clinton. Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov, ayaa sheegay maanta in eedeymaha dad lagu raadsanayo oo aysan lahayn wax cadayn ah.

Madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa loo soo bandhigay waxyaabaha lagu helay warbixinta madaxda sirdoonka Jimcihii. “Ma diidana in dad Ruush ah ay ka danbeeyeen ololahan gaarka ah,” ayuu sheegay Mr Priebus Axadii.

Laakiin ma uusan cadayn in Mr rump uu aamisan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si toos ah u amray jabsiga kombutarada iyo in kale sida lagu sheegay warbixinta. the report (an unclassified version).

Kadib markii uu la kulmay Agaasimaha sirdoonka Maraykanka, CIA, John Brennan iyo Agaasimaha FBI James Comey, Mr Trump ayaa kulanka ku tilmaamay mid si fiican u dhacay.

Hadal uu soo saaray Trump ayuu ku sheegay in 90 maalmood gudaheed markuu xafiiska la wareego uu waydiisan doono qorshe sida lagu joojin karo weerarka kombutarada.

Halkan Riix oo Daawo Muuqaalka;-


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Deni-Jabril-640x375 Qaar Ka Mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo looga yeeray Itoobiya (Maxay tahay Sababtu?)
- Jan 14, 2017
Wararka laga helayo magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in laba ka ...
rr-3 Faahfaain Dheeraad ah oo ka Soo Baxaya NISA oo Weeraray Guri ku yaala Muqdisho oo lagu arkay..
- Jan 14, 2017
Sida Dad ku sugan Xaafada Soona key ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ay ...
NEWS-15 Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Dil qorsheysan oo goordhow ka dhacay Muqdisho
- Jan 13, 2017
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Ajabka shidaalka ...
xidig (Akhriso);-Xildhibaan C/rashiid Xidig oo Shir isugu yeeray Musharaxiinta Beesha Daarood
- Jan 13, 2017
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in Shirkaasi Ujeedkiisa uu yahay ka hadalka Doorashada ...
eu-flag-620x330 DEG DEG;-Midowga Yurub oo Soo Dhaweeyay Doorashadii Guddoonka Golaha shacabka Soomaliya
- Jan 13, 2017
Ururka Midowga yurub ayaa soo dhaweeyay sida ay u dhacday doorashadii Guddoonka Golaha shacabka ...